Home WARARKA WAR HADDA SOO DHACAY: Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Yaalla Xuduuda...

WAR HADDA SOO DHACAY: Shabaab Oo La Wareegay Deegaan Ku Yaalla Xuduuda Somaliya iyo Kenya

2
0

Dagaalyahano katirsan Al-shabaab ayaa dagaal ku qaaday deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose, kadib dagaal xoogan oo halkaasi ku dhax maray ciidamada dowlada iyo kuwa Al-shabaab.

Xoogag katirsan Al-shabaab ay weerar xoogan kusoo qaadeen saldhigyo ciidamada maamulka Jubaland ay kaga sugnayeen deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose, halkaasina uu ka dhacay dagaal culus oo markii danbe sababay ciidamada Jubaland in ay isga baxaan deegaanka Boqolaal katirsan XoogagaAl- shabaabna ay u suura gashay iney guda usoo galaan deegaanka Diif, sida dadka deegaanka sheegeen.

Wararka laga helayo deegaanka Diif waxey sheegayaan iney jirto khasaara culus oo soo kala gaaray dhinacyadii maanta ku dagaalamay deegaanka Diif oo ka tirsan gobalka Jubbada hoose.

War kasoo baxay Xarakada Al-shabaab  ayaa lagu xaqiijiyay in gacan ku heynta deegaanka uu dib ugusoo laabtay AL-shabaabka ka howlgala gobalada Jubbooyinka ee koofurta Soomaaliya.

Dhanka kale Saraakiisha ciidamada Jubaland iyo kuwa xooga dalka ayaan ka jawbin taleefanadii aynu kala xiriirnay, balse wararkii ugu danbeeyay ayaa intaa ku daraya in deegaanka gudahiisa lagu arkayo ciidamo katirsan kuwa Al-shabaab oo aad u hubeysan sameynaya dhaq dhaqaaq ciidan walow shacabka intooda badan ay wali kasoo bixin guryahooda maadaama xaalada ay tahay mid kacsan, ciidamada Jubaland-na ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here