War Hadda Soo Dhacay: Madaxweyne Gaas Oo La Sheegay Inuu Ka Tanaasulay Doorashadii Puntland Xilli…

Sida lagu Muujiyey warqad Baraha Bulshada lasoo geliyey waxa ka muuqday Qoraal Sumada Maamulka Puntland ay ka muuqatay oo lagu sheegayey inuu Madaxweyne Gaas ka tanaasulay Doorashadii Puntland Ee taariikh 8 Dhaceysa.

Warqadaan kama muuqan wax Saxiix ah,waana mida dad badan ay ka shaki qaadeen,iyadoo baraha Bulshada lagu faafiyey.

Warar kale ayaa sheegaya in Dhalinyaro Lacago Ka qaata Dawlada Federaalaka Soomaaliya ay Facebook ku faafiyeen Qoraalkani oo buun buun dadka qaar u fahmeen.

Dagaalka Siyaasadeed Ee Puntland iyo Dawlada Dhexe ayaa meel sare gaaray,lamana sheegi karo waxa uu Madaxweyne Gaas kaga jawaabi doono jiritaanka warkani inuu jiro iyo inuu been yahay intuba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here