Home WARARKA War Deg Deg:- Xukuno Lagu Riday Dhalinyaro Sameysay Anshax Daradii Ugu Xumeyd

War Deg Deg:- Xukuno Lagu Riday Dhalinyaro Sameysay Anshax Daradii Ugu Xumeyd

3
0

Maxkamadd ku taala Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa xukuno ku riday Dhalinyaro la sheegay In ay sameynayaan dhaqan xumo islamarkaana ay gacanta kusoo dhigeen Ciidamada amaanka Maamulka Puntland.

Dhalinyaradaan lasoo qabtay ayaa la sheegay in marka lasoo qabanayay ay ciyaarayeen ciyaarta loo yaqaano Jaamka islamarkaana ay iska duubayeen Video  kuwaasi oo la doonayay in lagu faafiyo baraha bulshada.

Gudoomiyaha Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland ayaa sheegay in 29 dhalinyaro ah  lasoo qabtay loo sameyn doono dhaqan celin islamarkaana la bari doono waxyaabaha wanaagsan.

Dhamaan Dhalinyarada oo iskugu jiray rag iyo dumar ayaa lagu xukumay 3-bilood oo xariga ah sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Magaalada Gaalkacyo ee Maamulka Puntland oo goobta Maxkamadda ka hadlay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here