War Deg Deg:-Weerar Qorshaysan oo Goordhaweyd Lagu Qaaday Hoteel+Tirada Dhimashada

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa ku waramaya in rag Hubeysan ay saakay weerar qorshaysan ay ku qaadeen id kamid ah Hotelada ugu waaweyn magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Inta la xaqiijiyay 4 ruux oo labo kamid ah ahaayeen kooxdii weerarka ku qaaday Hoteelka ayaa ku dhintay, waxaa loo badinayaa in ay ka Tirsanaayeen Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ee Gobolka bari.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kooxo hubeysan ay doonayeen in ay gudaha u galeen hoteelka balse ilaalada hoteelka ay ku guuleysteen in ay dilaan ka hor inta aysan galin.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)