War Deg Deg:-Taliyihii Ciidamada Booliska ee degmada Kaxda oo Xilka Laga Qaaday+Sababta

Taliyihii Ciidamada Booliska ee degmada Kaxda iyo Askar ka amar qaadata ayaa Xasbiga loo taxaabay.

Xariga Taliyaha Booliska Degmada Kaxda Bashiir Cali Afaraat iyo Ciidamada ka amar qaata  ayaa yimid kadib markii Taliyaha iyo Ciidamadiisu ay ku baxeen qalalaaso u dhexeeyay dad ku wada dhaqan degmadaasi Kaxda.

Ciidamada ayaana Rasaas ay fureen waxaa ku geeriyooday 1 qof  halka 2 kalana ay ku dhaawacmeen.

Nabadoon Maxamed Sheekh Yuusuf oo ka tirsan Waxgaradka Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa sheegay in Ciidamadu ay awood u isticmaaleen dadka shacabka ah oo ku guda jiray xallinta shaqaaqada ka jirta degmada Kaxda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)