War Deg Deg:-Shariif, Cosoble iyo Sharma’arke oo Kulan Haatan Leh, Xaaladii oo Isbadashay

Wararka hadda ina soo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Musharraxiinta kala Ah C/qaadir Cosoble, Shariif Sheekh Axmed  iyo Cumar C/rashiid ay ku kulansan yihiin Magaalad Muqdisho gaar ahaan Hoyga Sharma’arke.

Musharraxiinta ayaa yeelanaya Kulankoodii ugu dambeyay ee Maalinta Doorashada iyadoo hadda loo diyaar garoobayo Tartanka Madaxweynaha oo Muqdisho lagu qabanayo.

Warar aan helnaya ayaa inoo xaqiijiyay in Seddaxda Musharrax ay uga wada hadlayaan Arrimaha Doorashada oo si adag uga wada hadlayaan iyo sidii loo xoojin lahaa isbaheysiga.

Cosoble iyo Shariif Sheekh Axmed Ayaa la sheegaaa in ay wadar ahaan heystaan in ka badan 145 Xildhibaan oo hadii ay isku geeyaan uga gudbi karaan Wareegyada ugu horeeya Ee Doorashada.

Waxaa sidoo kale Musharraxiinta ku balameen in ay dagaal wada jir ah ay la galaan Xasan sheekh islamarkaana ay isku baheystaan Doorashada Maanta Muqdisho ka dhaceysa.

Isbaheysigan ayaa waxaa suuro gal ah in uu dhabarka ka jebiyo rajada Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa oo iyana dhanka kale Wada Olole xoog badan oo ay ugu jiraan Tartanka Maanta Muqdisho ka dhacaya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)