War Deg Deg:- Musharax Madaxweyne oo Goordhaweyd Xabsiga La Dhigay

War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in dalka Mareykanka lagu xiray Musharax Madaxweyne oo lagu magacaabo C/casiis Camalow “Giyaajo”.

Musharaxaani ayaa kamid ahaa Musharaxiinta dhawaan shaacisay inay ka qeyb galayaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya, inkasta oo uusan si rasmi ah isku-diiwaan gelin Musharaxaani oo uu ka xirmay fursada Isdiiwaangalinta Musharaxiinta ayaa lagu xiray Garoonka Diyaaradaha Dulles ee gobolka Virginia ee dalka Mareykanka kuna dhow magaalada Washington DC.

Warar gaar ah oo ay heshay baahin.net ayaa sheegaya in Camalow uu hadda xabsi ku jiro illaa muddo toddobaad ah. Musharaxaani ayaa sidoo kale u tartamay xilka Xildhibaanimo ee Maamul Gobaleedka Hiiraan si uu uga mid noqdo BFS, inkastoo uusan xilkaasi ku guuleysan.

C/casiis Camalow ”Giyaajo”, ayaa waxaa Garoonka ku xiray Seddex Askari oo Mareykan ah, inkastoo aan la garaneynin sababta rasmiga ah ee loo xiray. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in xarigiisa C/casiis uu ka danbeeyay ku lug lahaanshiyaha Lacago Musuq ah oo dhawaan lagu eedeeyay Dowlada Somalia.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in C/casiis Camalow ”Giyaajo”, uu galangal u galay sidii loo soo furdaamin lahaa Lacago laga xayiray DFS. Dhinaca kale, Dowlada Somalia oo ku mashquulsan Doorashada Berri lagu ballansan yahay ayaan wali ka hadal xariga Musharaxaasi ee ka haray diiwaangalinta.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)