War Deg Deg:-Khudbad Jeedinta Musharaxiinta oo Bilaabatay, Musharax Caan ah oo Hadda Qudbeynaya

Khudbad Jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa Goordhow bilaabatay, waxaana Musharaxiinta ay Soo bandhigayaan Waxqabadkooda Hadii ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya.

Hadaljeedinta Ama Khudbadjeedinta ayaa waxaa dhageysanaya Xildhibaanada labada gole ee dowladda Soomaaliya.

Maanta oo Khamiis ah ilaa iyo Sideed Musharax ayaa khudbado jeedin doona.

  1. Axmed Maxamed Cabdi
  2. Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi
  3. Bashiir Raage Shiiraar
  4. Jibriil Ibraahim Cabdulle
  5. Xasan Sheekh Maxamuud
  6. Saciid Cabdullaahi Deni
  7. Saciid Ciise Maxamuud
  8. Shariif Sheekh Axmed.

Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa looga kala qeybiyay Saddex kooxood, waxaana laga dhigay Mid Sideed .


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)