WAR DEG DEG:- Kenya oo War Cusub ka soo saartay Weerarka Al-Shabaab ku galeen Dalkeeda

Dowladda Kenya ayaa hadashay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo la wareegay degaanka Carabiya oo hoos yimaada degmada Mandera ee gobolka Waqooyi Bari.

Xiriiriyaha gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax oo la hadaly Wargeyska the Standard ayaa sheegay in dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay gudaha u soo galeen degaanka , islamarkaana hadda ay u direen Koox ka tirsan ciidanka dowladda Kenya si ay uga jawaabaan weerarka Al-Shabaab ay kusoo qaadeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in hadda aysan xaqiijin karin Khasaaraha ka dhashay dagaalka ay Al-Shabaab  ku qaadeen degaanka Carabiya, waxaana uu xusay in hadda ay wadaan qiimeyn.

Waxaa uu tilmaamay Saldhiga weerarka lagu qaaday in ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan Booliska Kenya.

Ugu dambeyntii waxaa uu carabka ku dhuftay in dagaalyahanadii  Weerarka soo qaaday ay dib uga laabteen degaanka.

Shabaab ayaa ka hor inta aysan weerarka soo qaadin waxa ay jareen Isgaarsiinta degaanka Carabiya, si ciidamo aysan gurmad u dirsan, marka uu qabsado weerarka.

Warbaahinta Shabaab ayaa qoreysa in degaanka weerarka uu ka dhacay ay kala soo wareegeen hub iyo saanad Millateri oo ay ka carareen ciidamadii ka tirsanaa Booliska Kenya ee halkaasi joogay.

Al-Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay labo jibaaray Weerarada ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Degaanka Carabiya ayaa ka mid ah degaanada ay dowladda Kenya Bandowga ku soo rogtay.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)