War Deg Deg:-Kenya oo Ku Guuldareysatay Hamigeeda Hogaanka Midowga Afrika+Magaca Shaqsiga La Doortay

Waxaa goordhaweyd lasoo gaba-gabeeyay doorashada  Gudoomiyaha Ururka Midowga Afrika oo sanadkaan  oo ay ku tartamayeen musharixiin dhowr oo ay kamid aheyd wasiirka arrimaha dibada dowladda Kenya Aamina Maxamed Jibriil.

Xubnaha Ururka Midowga Afrika ayaa u doortay Mudane Moussa Faki Mahamat oo u dhashay Chan,ahna wasiirka arrimaha dibad dalkaas Gudoomiyaha Cusub ee Ururka Midowga Afrika sanadaha soo socda.

Madaxda la tartantay waxaa ka mid ah Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Amina Mohame jibriil.

Mudane Moussa Mahmat Inta aan xilka loo dooran wuxuu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Chad, Ka sokow aqoonta, khibradda, galaangalka iyo xodxodashada Diblomaasiyadeed, 22 dal oo Afrika ah oo Chad ay ka mid tahay ayaa Afkooda rasmiga ahi uu yahay Faransiis.

Waxaan u rajeynayaa in uu xilka cusub ee loo doortay uu ku guuleysto.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)