War Deg Deg;-Jubba-land oo War Kulul Kasoo Saartay Dhalinyaro La Gowracay

Saraakiisha Maamulka Jubbaland ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa Faah-faahin ka bixiyay Afar Qof oo Dagaalameyaasha Al-shabaab ay ku Dileen Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degmada Jamaame.

Saraakiisha Jubbaland oo la hadlay Saxafadda ayaa sheegay in Afarta Qof ee Shabaab ay ku Dileen Jamaame ay yihiin Dad Shacab ah oo ku noolaa Degmada islamarkaana aysan jirin wax Dambi ah oo ay galeen.

Maamulka Jubbaland Saraakiisha u hadashay ayaa intaa ku daray in ay ka Xun yihiin Dadka rayidka ah ee lagu Bartilmaameedsaday Gobolka Jubbada Hoose.

Al-shabaab ayaa Afarta Qof ee ay ku dileen Gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan Degmada Jamaame ku sheegay in ay yihiin Jawaasiis wada shaqeyn la leh Dowladda federaalka iyo Sirdoonka Caalamiga ah intaba


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)