War Deg Deg:-Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Galmudug oo Cadaado Lagu Bahdilay

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ee Caasimada KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in Ciidamada amaanka galmudug ay u diideen in uu gudaha u galo Magaaladaas Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad Ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed cali xareed.

Wafdi uu barqanimadii maanta ka tagay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ayaa  Gaaray Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado, diyaaradii ay saarnaayeen ayaa waxaa lagu amray Pilotkii ka xeynayay in uusan dajin islamarkaana uu dib ugu Soo celiyo Magaalada Muqdisho.

Xildhibaan C/wali Cali Maxamuud oo Ka tirsan Baarlamaanka Galmudug  islamarkaana la socday wafdiga Guddoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka ee La Celiyey ayaa idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho u sheegay in ayaan daro ay tahay in mas’uul ka Tirsan Galmudug hadda Gudoomiye ku-xigeen ah In laga hor istaago galida Magaalada Cadaado, wuxuu eedeenta dusha kaga tuuray Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)