War Deg Deg:-Ethopian Fara Badan oo Saakay Buux Dhaafiyay Puntland+Sababta

Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegeen in degaanada maamulka Puntland ay soo dhoobteen Itoobiyaan aad u faradan kuwaa soo doonaya in ay ka tahriibaan xeebaha maamulka Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar ayaa sheegay in dad Itoobiyaan ah oo aad u badan  ay dhibaatooyin  ku hayaan degaanada maamulka Puntland.

Sidoo kale waxaa uu xusay in  Puntland aysan awoodin in dadkaasi ay daryeel u fidiso.

Marka laga soo tago dadka Soomaaliyeed , waxaana uu sheegay in dad badan ay ka yimaadeen dalalka dariska la ah Soomaaliya.

Inta badan degaanada maamulka Puntland gaar ahaan Magaalada Boosaaso ayaa waxaa gaara tahriibayaan aad u farabadan ,kuwaa soo u badan Itoobiyaan , islamarkaana doonaya in ay u tahriibaan dalka Sucuudiga.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay