War Deg Deg:-Dagaal Xoogan oo Goordhaweyd Ka Qarxay Gobolka Shabeelaha Dhexe

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku waramaya in deegaan hoos yimaada degmada Mahadaay ee Gobolkaas oo lagu magacaabo Miirtaqwo in uu ka socdo dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Ciidamada Al-shabaab iyo AMISOM, Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Dagaal ayaa bilowday sida wararka aynu ka halayno kadib markii Ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen wadada xiriirisa deegaanada Miirtaqwo iyo Biya Cadde oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada Ciidamada Midowga Afrika Amisom,waxaa halkaas ka dhacay dagaal la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dad halkaas ku sugan aynu la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka u haatan sii xoogaystay islamarkaana Labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga qasaaraha ka dhashay dagaalka.

 

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)