War Deg Deg:-Ciidamada Hubeysan oo Goordhaweyd La Wareegay Xarunta Golaha Shacabka

Wararka haatan naga soo gaaraya Xarunta golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in Ciidamada gaashaan loo yaqaano In la wareegeen Xarunta kadib markii ay soo baxeyn warar ku aadan in weerar lagu qaadayo xarunta.

Ilo ku dhow Laamaha amaanka dowladda Soomaliya ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Gaashaan oo loogu talagalay in ay ka hortagaan qaraxyada in la wareegeen maanta xarunta Golaha shacabka ee Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya, oo maanta lagu soo gaba-gabeynayo Khudbadaha Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaliya.

Arintaan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo Maamulka Al-shabaab ee gobolka Banadir uu ku hanjabay in lsii kordhin doono weerarada qaraxyada iyo kuwa tooska ee Al-shabaab ay ka geystaan Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaliya.

 


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)