Home WARARKA War Deg Deg:- Ciidamada Dowladda Gacanta Ka Bixiyay Deegaano Muhiin ah,Al-shabaab u...

War Deg Deg:- Ciidamada Dowladda Gacanta Ka Bixiyay Deegaano Muhiin ah,Al-shabaab u Fariin u Diray Farmaajo

1
0

Dagaal xoogan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaliya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaano hoos yimaad degmada W/weyne ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkaan ayaa saakay aroortii ka dhacay deegaanada Tixsiile, Warmaxan, iyo Garas Wandiile oo ka Tirsan Gobolka Shabeelaha hoose oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya.

Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo weeerarka qaaday ayaa la sheegay inay u suurta gashay la wareegitaanka deeganadaas sida lagu shaaciyay warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al-shabaab.

Dhanka kale isla wararka ka imaanaya Gobolka Shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in kolonyo ka tirsan Ciidamada Malatariga Dowladda Soomaliya oo gurmad ahaa in qarax miino lala eegtay waxaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday abaanduule ka Tirsn Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed inkastoo aan magaciisa la shaacinin.

 

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here