War Deg Deg Ah: Xildhibaan Katirsanaa Baarlamaanka Galmudug Oo Ku Dhintay Muqdisho

Sida ay goordhaweyd oo Saaka ah Xaqiijiyeen Xildhibaano katirsan Baaralamaanka Galmudug waxaa Xalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho Marxuum C/kiriin Maxamed Cusmaan oo loo yaqaanay Cirro kana mid ahaa Xildhibaanada Galmudug.

Waxaa la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay Marxuumka uu yara xanuunsanaa ugu dambeyna Xalay uu xijaabtay iyadoo Tacaalid Dhakhaatiirtu ku hayeen.

Ehelada Marxuumka waxay sheegeen in Meydka laga soo saari doono Cusbitaalka islamarkaana la xabaali doono saacadaha soo socda.

Xildhibaan Salaad Ceynte oo Saaxiib ahaayeen Marxuum C/kiriin Cirro ayaa sheegay in uu ahaa nin wanaagsan,Salaad badan,Afkiisa iyo Adinkiisa laga nabad helo,isagoo Alle uga baryey inuu janatul Fardowso ka waraabiyo marxuumkaasi.

Maamulka Galmudug aya mas’uuliyiin katirsan waxay kasoo tacsiyadeeyeen geerida Xildhibaan C/kiriin Cusmaan oo xalay ku naf baxay Magaalada Muqdisho.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay