WAR DEG DEG AH: Warqado Digniin ah oo lagu daadiyay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Dadku sugan Suuqa Bakaaraha Ee Magalaada Muqdisho ayaa waxaa ay inoo sheegeen in Goor dhow Nawaaxiga Mid ka mid ah Shirkadaha bixiya Adeega Internet-ka lagu arkay Warqado Digniin ah.

Warqadaha ayaa waxaa loogu digayaa Shirkada Golobal oo dhawaan keentay Adeeg interned oo Simcard lagu isticmaalayo Mobil-ka oo la baxday SOMNET.

Warqadaha ayaa loogu digayaa in shirkadaas ay joojiso Adeega cusub ee ay soo kor dhisay waxaana dadka qaatay Simcard ay muujinayaa Baqdin xoogan.

Ururka Al-Shabaab ayaa 9-Jan-2014kii Mamnuucan Adeega Internet-ka oo xiligaa lagu isticmaali jiray Mobil-ka gacanta adeegaas oo ay bixin jirtay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay