WAR DEG DEG AH: Qarax xoogan oo AMISOM lala eegtay iyo Rasaas toos ah oo socota

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax ka dhacay wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho, sida ay Baahin u sheegeen Dadka Degaanka.

Qaraxan oo nuuciisa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso ayaa waxaa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM, oo halkaasi marayay.

Dad Gooboogayaal ah ayaa Baahin u sheegay Qaraxa in uu dhacay markii ay gudbeen Ciidanka AMISOM oo uusan jirin khasaare uu geystay Qaraxan.

Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ayaa waxa ay gaareen goobta uu Qaraxa ka dhacay, waxaana ay halkaasi wadaan baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Inta badan wadada Warashadaha ayaa waxaa Qaraxyo lagula eegtaa Ciidanka AMISOM, oo wadadaasi inta badan isticmaala.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)