War Deg Deg ah oo naga soo gaaray Duleedka Kismaayo….

Xiisad dagaal ayaa Saaka waxa laga soo sheegayaa deegaanno ku yaalla duleedka Magaalada kismaayo ee xarunta Maamulka Jubaland.

Xiisadan Colaadeed ayaa waxa ay udhaxeeysa dad walaalo ah oo ood wadaag ka ah deegaankaasi, deegaanada ay Shaqaaqadu ka taagantahay waxaa kamid Dalsan, Haadweeyn, Kaamjaroon, oo Magaalada Kismaayo kaga aadan yihiin jihada Bari.

Dhiiladan ayaa waxa ay dabataallaa dagaal shalay dhexmaray Labadan beel, qasaaro aan tiro yareeyn ayaana dagaalkii Shalay ka dhashay.

Maamulka Jubaland wali kama aysan hadal colaadan ka taagan deegaanada hoostaga Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here