War Deg Deg ah:- Masuul muhiim ah oo Shabaab ka tirsanaa oo la dilay

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug Howlgal gaar ah oo ay ka Fuliyeen waxaa ay ku dileen Madaxii Maaliyadda Al-shabaab ee Gobolada Dhexe oo lagu Magacaabi jiray Carab.

Taliyaha Nabad Sugidda Galmudug Saadaq Cumar Xasan  oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in Ciidan gaar ah oo ka tirsan NISA ay Sargaalka ku qaarajiyeen Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Taliyaha wax Faah-faahin ah oo kale kama bixin Dilka Sargaalka ka tirsan Shabaab ee lagu dilay Xarardheere.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay