Home WARARKA War Deg Deg Ah: Markab Hub Ah Oo Kuuriyada Wuqooyi Usoo Dirtay...

War Deg Deg Ah: Markab Hub Ah Oo Kuuriyada Wuqooyi Usoo Dirtay Soomaliya Oo La Qabtay

5
0

Sida ay Baahiyeen Warbaahinta Caalamka ah ayaa waxaa la sheegay in la qabtay Markab Hub Siday oo kusoo wajahndaa gudaha Dalka Soomaaliya.

Markabkaan ayaa waxaa lahaa Dalka Iiraan,waxaana Hubka sameeyey Dalka Kuuriyada Wuqooyi Xilli uu markabkaasi marayey Badweynta Hinidya ayaana gacanta lagu dhigay.

Hubka weli nuuciisa lama sheegin balse Kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay inay kusoo wajahnaayeen Markabkaasi Saanadaha ku rarnaa.

Dawlada Soomaaliya weli kama hadlin Markabkaan la qabtay waxaana gacanta Markabkaas ku dhigay Markab laga leeyahay Dalka faransiiska.

Kooxda la socodka Xayiraada Saaran Hubka Ee Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay Markabkaan iyadoo aan la ogeyn sida laga yeeli doono Hubkaasi la qabtay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here