Home WARARKA War deg deg ah: Madaxweynihii hore ee Puntland oo goordhow geeriyooday

War deg deg ah: Madaxweynihii hore ee Puntland oo goordhow geeriyooday

2
0

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cadde Muuse Xirsi ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka isu taga Imaaraatka Carabta.

Cadde Muuse ayaa mudooyinkanba xanuunsanaa, kuna jiray isbitaal ku yaalla magaalada Dubai, caawa ayuuna halkaas ku geeriyooday sida eheladiisa u xaqiijiyeen warbaahinta.

Xiligii uu cadde Muuse ahaa madaxweynaha Puntland waxaa uu howlo fara badan ka qabtay degaanada maamulkaas, isagoo markii dambe xilka ku wareejiyey C/raxmaan Faroole oo doorasho uga guuleystay.

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here