War deg deg Ah: Kenya Oo Mamnuucday Banaanbax Lagu Qaban Karin Nairobi & Meelo Kale

War kasoo baxay Laamaha Amniga Dalka Kenya ayaa lagu sheegay in la mamnuucay isku soo baxyada Rabshadaha wata ee ka dhaca dalkaasi.

Waddanka Kenya ayaa Xaalad Degganaashiyo la’aan Siyaasadeed galay kadib markii Talaadadii Isbuucaan uu Raila Odinga iskaga Haray Doorashada Ku celiska ah Ee Dalkaasi inuu ka qeyb galo.

Odinga waxa uu sheegay inay taasi ugu wacan tahay maadaama ay jireen codsi ay gudbiyeen oo ahaa in la badelo Gudiga Doorashada Qaranka Kenya balse laga dhega fureystay sidaa awgeedna uu ka haray Doorashadii 26-ka Bishaan dhici laheyd.

Sii Hayaha Xilka Wasiirka Amniga Ee Kenya Fred Matiangi, ayaa sheegay inay mamnuuc tahay in Nairobi,Mombassa iyo Kisumu banaanbaxyo ka dhacaan.

Waxa la sheegay in dibad baxyadaasi ay saameyn ku yeeshaan Goobaha Ganacsi Ee ku yaalla Magaalooyinkaasi la carabaabay oo laga mamnuucay Dibad baxyada ay dhigayaan taageerayaasha Xisbiga Mucaaradka Kenya Ee NASA.

Waxaa Warbixintaan Tarjumay: Xasan Xayi Cabdullaahi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay