WAR DEG DEG AH: Howlgalkii Maqaayadda Posh oo lasoo gaba gabeeyay & Ciidamo gaar ah oo…

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay weerarkii caawa lagu qaaday Maqaaxida Posh Treats oo ku dhaw Isgoyska Banaadir ee M/Muqdisho.

Maqaaxida ayaa markii hore waxaa lagu dhuftay Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxana intaas ka dib Gudaha u galay rag hubeysan oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Ciidamada dowaldda Soomaaliya ayaa goobta gaaray kuwaas oo soo gaba gabeeyay weerarka lagu qaaday maqaaxida Posh Treats,waxana inta la xaqiijiyay ku geeriyooday ilaa 4 ruux.

Wararkii ugu dambeeyay ee na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in haatan ciidamada amniga Soomaaliya ay  gacanta ku hayaan Maqaaxida Posh Treats iyo Pizza house oo ka soo horjeeda goobta la weeraray.

Weli laamaha amniga Soomaaliya ma faah faahin qaabka uu u dhacay weerarkaas iyo khasaaraha guud ee ka dhashay,balse daqiiqadaha na soo aaday ayaa la filayaa in ay ka warbixiyan.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay