WAR DEG DEG AH:- Gudoomiye Jawaari oo soo saaray warqad ku socota haweenaydii u sharaxnayd Madaxweynaha

Faaduma Dayib oo ka mid aheyd Musharaxiinta u hanqal taagayay xilka M/weynaha Soomaaliya ayaa si lama filaan ah loogu daray gudiga doorashada M/weynaha Somalia gaar ahaan Guddiga anshaxa iyo asluubta Doorashooyinka.

Prof, Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa Gudigaan maanta ku magacaabay Wareegto waxaana lagu soo daray Faadumo Qaasim Dayib, iyadoo sidoo kale ka mid yihiin aqoonyahano iyo xubno caan ka ah ururadda bulshada.

Faadumo Dayib ayaan la ogeyn meel ay uga hartay tartankii doorashada iyadoo mar sheegtay inaysan ku tartami karin xaaladda musuqa ah ee Soomaaliya ka jirta, kadibna beenisay inay ka baxday doorashada.

Dad badan ayaa u arkayay musharaxnimada xubno ay ka mid ahayd Faadumo inay ahayd mid ku kooban magaca, taasoo markii dambe noqotay xaqiiqo, laakiin ololaheedii musharaxnimo wuxuu aakhirka dhalay inay ka mid noqoto Guddi doorashada la soconaya oo cusub.

Faaduma Dayib ayaa u muuqata inay aqbashay xubinimada guddiga iyadoo farriimo loogu hambalyeeyay dib ugu qortay barteeda twitter-ka.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)