War deg deg Ah: Golaha Wasiirada Puntland oo la kala Diray & Xiisad Durba Bilaabatay

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Golaha Wasiirada Maamulkaasi La kala diray kadib kulan ay yeesheen Xildhbaanada Baarlamaanka.

Wariye kusugan Garowe ayaa Baahin uxaqiijiyey in 44 Xildhibaan oo soo xaadirtay Kulanka Maanta ay Cod gacan taag ah ku meel mariyeen in Kalsoonida lagala noqdo Xukuumada Puntland.

Shalay Isniintii waxaa Mooshin laga keenay Golaha Wasiirada iyadoo maantana la kala diray Xukuumadii taasi oo durba saameyn culus reebtay iyo hadal heyn xoog leh.

Amniga ayaa qeyb ka ah waxyaabaha lagu dhaliilay in Xukuumada Puntland ay ku fashilantay inay wax ka qabato,waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo la kala diro Xukuumad jirtay tan iyo Aas aaskii Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland C/weli Cali Gaas ayaa la filayaa inuu saxaafada la hadlo kana warbixiyo isbadelkaan soo kordhay iyo Go’aanka Baarlamaanku ku rideen Xukuumadii jirtay.

NAGA FILO FAAH FAAHIN INSHA ALLAAH


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)