War deg deg Ah: Duqeyn Diyaaradeed Oo Lagu Garaacay Saldhigyo Shabaab Ku Leeyihiin Sh/Hoose

War goordhaweyd kusoo dhacay Warqabadkeena ayaa sheegaya in Duqeyn diyaaradeed lagu garaacay Deegaano katirsan Gobolka Shabellaha Hoose.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga Khasaaraha ka dhashay Duqeyntaasi iyo Halka laga leeyahay Diyaraadaha Howlgalkaasi fuliyey.

Wariye kusugan Sh/Hoose ayaa soo sheegaya in dhowr Gantaal la dhacay Saldhig Saraakiil katirsan Shabaab ka joogaan Deegaanka kuunya Baroow.

Ma ahan markii ugu horeysay oo duqeyn diyaaradeed lagu garaaco deegaano katirsan Gobolka Sh.Hoose iyadoo la sheegay in Xaalada Kuunya Baroow ay kacsan tahay.

Wixii kasoo kordho Duqeyntaasi dib kala socda insha allaah


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)