War deg deg Ah: Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday Gobolka Gedo+Faah faahin

Tuulada Kibis Ee Hoostaga Magaalada Garbahaareey Gobolka Gedo ayaa waxa la sheegay in Duqeyn Diyaaradeed ay ka dhacday Halkaasi.

Diyaarado loo maleenayo inay leedahay Kenya ayaana duqeyn ka fuliyey Maanta Duhurnimadii Kibis oo Ay Shabaabka kusugnaayeen.

Faah faahinada Hordhaca ah ayaa la sheegay inay duqeyntaasi ku dhinteen Saraakiil katirsan Ururka Al Shabaab walaw aan magacyadooda lasoo Bandhigin.

Dadka deegaanka waxay sheegeen inay maqleen Jugta Madaafiic dhinaca Cirka kasoo dhaceysay ayna ogaan karin wax faah faahin ka baxsan inay maqleen Dhawaqa Gantaaladaasi.

Al Shabaab weli wax war ah kama soo saarin duqeyntaasi ka dhacday Tuulada Kibis Ee Duleedka Magaalada Garbahaareey.

FAAH FAAHIN WIXII SOO KORDHO DIB KALA SOCDA INSHA ALLAAH


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)