War deg deg Ah: Diyaarad Hub Siday Oo Lagu Qabtay Garoonka Aden Cade & Cabsi Jira

Goordhaweyd ayaa waxa war naga soo gaaray Garoonka Diyaaradaha Adan Cade Ee Muqdisho ayaa sheegaya in lagu qabtay halkaasi Diyaarad Saanado Meliteri Siday.

Ilaa Hadda Faah faahino badan lagama hayo Diyaardaan iyo Hubka meesha ay ku waday waxaase la xaqiijiyey in Dalka Talyaaniga laga leeyahay Diyaarada la qabtay.

Baasuukayaal,BKM-yo badan,Rasaas kala duwan iyo Baabuur Nuuca Aan Xabada Karin ah ayaana la sheegay in lagu qabtay Diyaaradaasi.

Isku day aan la sameeyey Shaqaalaha Garoonka si aan wax uga weydiino Arintaan ayaa inoo taaba geli weysay.

FAAH FAAHIN DIB KALA SOCDA INSHA ALLAAH


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)