WAR CUSUB: Xasan Kheyre oo Shacabka Soomaaliyeed Meel Ay Kala Xiriiraan Sameeyey

Waxay noqon doontaa markii ugu horeysay maadaama R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kaga duwanaan doono Mas’uuliyiinta Kale Ee Dawlada Soomaaliya.

Xasan Kheyre ayaa shaaca ka dhigay in Ciwaan uu sameeyey uu ugu talo galay dadka Soomaaliyeed inay kala xiriiraan oo wixii ay isaga uga baahdaan ugu soo gudbiyaan.

Ciwaankani oo ah: Fariimaha@opm.gov.so ayaa lagu hagaajin karaa wixii Cabasho ah,Fikrad iyo talo intuba loo hayo Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya.

R/wasaare Kheyre ayaa sameeyey Qorsheyaal ka duwan kuwii Xilalka uga horeeyey isagoo taageerayaal badana kasbaday markii uu xilka qabtay.

Qaarkood ayaa waxay dadka ku tilmaameen Waddani jecel hormarka dalkiisa iyo dadkiisa balse qaar baa qaba inuu yahay mid qabyaaladi ku jirto oo dad gaar ah naas nuujin usameenaya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)