Walaaca laga muujinayo siyaasada arrimaha dibada somalia.

Maalin ka hor ayay ahayd  markii golaha  xuquuqul insaanka ee Qaramada midoobey isku raacay qaraar cambaareynaya heysashada buuraleyda Golan-hayd Israel, iyaga oo ku celiyey in dhulkaasi ay leedahay Suuriya, waxaa uu sidoo kale qaraarkaasi uu Israel  faray inay u hoggaansanto qaraarada caalamiga ah ee arrinkaasi ku saabsan. Codeynta waxaa taageeray 26 dal, waxaa ka horyimid 16 dal halka 5 dal oo ay Soomaaliya ku jirto ay ka aamuseen!

Arinka xusida mudan ayaa ahaa in somalia ay ka aamustay boobka dowlade Israel ay ku haysa dhulka Syria ee buuraha Golan taa ayaa layaab ku noqotay dowladaha carbeed iyo ururada islaamka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa todobaadkan sheegay in 52 sano kadib la gaaray xilligii dalkiisu aqoonsan lahaa in Golan tagay dhul ay leedahay Israel, arrintaasi oo ay diideen dhammaan dalalka Islaamka, kuwa carabta iyo xataa Ruushka. Qaraarkii loogu hiillin lahaa Suuriya ayaa waxaa si lama filaan ah ugu aamusay dalka Soomaaliya, oo horay aan xiriir ula laheyn Israel, kuna tiri jiray dad gumeysteyaal ah.

waxaa arintaan dhaleeceyay siyaasiin badan waxayna carabka ku adkeeyeen in aysan jirin qorshe siyaasada arimaha dibada oo la isku hayn karo walina faahfaahin kama aysan bixin safriida somalia u fadhisa Qaramada midoobey.

Mudane Axmed Ciise Cawad wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya M  ayaa u yeeray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Switzerland Faadumo Cabdullaahi Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here