Wakiilada Beesha caalamka oo kulan deg deg ah la yeeshay Madaxweyne Maxamed Farmaajo

Wakiilada Beesha caalamka ayaa kulankoodii ugu horeeyay la yeeshay madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Kulanka oo ay dalbadeen wakiilada ayaa ka dhacay Hoteka uu madaxweynaha degan yahay e Jazeera, waxaana wakiila beesha caalamka hogaamiyay wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya Micheal Keating.

Wakiilada beesha caalamka ayaa kala hadlay madaxweynaha la doortay wadashaqeyn dhex marta iyo arrimaha degdega ah ee horyaalla madaxweynaha cusub, iyadoo caleemo saarkiisa iyo sidii uu xilka kula wareegi lahaa la diyaarinayo.

Danjireyaasha Yurub ee wakiilada ka midka ah ayaa sheegay in kulanku ahaa mid hordhac ah oo si wanaagsan ku dhacay, isla markaana lagu dhageysanayay qorshayaasha madaxweynaha cusub oo ay ugu hambalyeeyeen xilka loo doortay.

Beesha Caalamka ayaa hore qoraal ay soo saartay hore ugu soo dhoweysay soo afjaridii nidaamkii doorashada dalka iyo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)