Wajiga 2-aad ee Khudbadaha Musharaxiinta oo la soo gaba gabeeyay, Ogow Khudbadee ugu kululeyd

Waxaa la soo gaba gabeeyay wajiga Labaad ee dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya, oo Doorashadiisa la filayo in ay dhacdo 8-da Febraayo.

Ilaa 7 Musharax ayaa khudbado laga dhageystay, waxaana saakay hore ku dhawaaqay in uu is casilay Eng. C/laahi Cali Xasan oo ahaa Musharax u taagan xilka Madaxweynaha.

Musharaxiinta khudabadaha jeediyay ayaa waxa ay dhamaantood sheegeen in ay wax ka qabanayaan xaalada hada dalka uu ku jiro, sidoo kalena ay isbedel ku sameynayaan amniga dalka, waxaana Musharaxiinta ay kala yihiin:-

  1. C/naasir Cabdulle Maxamed
  2. C/raxmaan C/shakuur Warsame
  3. C/raxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole)
  4. C/laahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees)
  5. C/laahi Ciilmooge Xirsi
  6. C/qaadir Cosoble Cali
  7. Cali Xaaji Warsame

Guddoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in berri la soo gaba gabeyn doono dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta, maadaama berri Musharaxiinta ugu dambeysa ay jeedin doonaan khudbadahooda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay