Wafdi Xildhibaano Iskugu Jira Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka Oo Gaaray Dh/mareeb [Sawirro]

Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa wafdi ahaa maanta gaaray Magaalada Dhuuso Mareeb Ee Caasimada Gobolka Gal gaduud.

Waxaana la sheegay in Wafdigaan si heer sare loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Magaalada Dhuuso mareeb,badankoodna ah kuwo kasoo jeeda Gobolkaasi.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,Cabdikiriin Ibraahim,Marwo Jawaahir Axmed Cilmi iyo Wasiiru Dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha C/llaahi Wehliye ayaana ka qeyb ahaa wafdigaasi tegay maanta Dhuuso mareeb.

Ujeedka Socdaalkooda ayaa ah sidii ay kaga qeyb geli lahaayeen Shirka Dhameystirka Heshiiskii Ahlusuna iyo Galmudug xilli wafdiga Madaxweyne Farmaajo ay Halkaasi tegi doonaan maalmaha soo socda.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay