Wafdi reer Galbeed ah oo gaaray Baladweyne iyo Cali Guudlaawe oo Dibad joog ka ah

Waxaa maanta ka dagay magaalada Baladweyne wafdi ka socda dowladdaha Sweden iyo Talyaaniga kuwaa oo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada.

Waxaa wafdigan hogaaminayay Safiirka dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya Staffan Tillander oo ay la socdeen xubno ka tirsan Beesha Caalamka waxaa kusoo dhaweeyay Guddiga loo magacaabay soo dhaweynta Safiirka, Maamulka Gobolka iyo Mas’uuliyiin kale oo katirsan Hirhsbaelle.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya ayaa kulan kula qaadan doona Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed iyo Guddi loo xil saaray ka Warbixinta mashaariicda ka socda Hirshabeelle.

Safiir Staffan Tillander ayey guddiga la wadaagi doonaan  baahiyaha horumarineed ee dhanka bulshada ka jira deegaanada Hirshabeelle, isla markaana Guddiga ay Warbixin ka dhageysan doonaan Safiirka iyo xubnaha la socda.

Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander ayaa kormeeri doona goobaha Biyo-xereenada fatahaada Webiga Shabeelle laga dhisay qaarkood, xili Baladweyne laga fulinayo mashaariic horumarineed, sidoo kalena la qorsheynayo inuu halkaas gaaro Safiirka Talyaaniga.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa haatan ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga isagoo sidii loo doortay aan wali ka dagin magaalada Baladweyne balse waxa uu kulan lasoo qaatay wafdigan maanta tagay Baladweyne isagoo kala hadlay arrimaha Fatahaadaha.