Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo kulan la qaadanaya Midowga Musharaxiinta+Dhabar jabka Farmajo

Aamina Jane Mohamed oo ah kuxigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo booqasho ku timid Muqdisho ayaa maanta la filaya iney kulan la qaadato Midowga Musharaxiinta kaa oo ka dhici doona Xalane.

Aamina oo shalay dalka soo gaartay ayaa kulumo la qaaadatay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha uu waqtiga ka dhamaaday waxaana ay sheegtay iney kala hadashay doorashada, dowlad wanaag, Kiiska Ikraan Tahliil inuu cadaalad helo iyo in khilaafyada siyaasadeed ee jira aysan saameyn dalka.

Mar ay ka hadleysay kulanka waxa ay tiri “Ra’iisul Wasaare Rooble iyo golaha wadatashiga qaranka waxay muujiyeen hogaamin wanaagsan iyo ka go’anaansho si loo dardargeliyo ka qaybgalka haweenka ee Siyaasadda oo ay ku jiraan talaabooyin gaar ah sida dhimista lacagta laga qaadayo musharaxiinta haweenka ah, iyo magacaabista xubno u doodaya in wax weyn lagu daro arrintaasi waxaa kaloo muhiim ah in leysku raaco hab gaar ah oo lagu gaari karo qoonada 30% doorashada soo socota” ayay tiri Amina Jane.

Kiiska  Ikran Tahliil oo wax laga weydiiyay ayay ka gaabsatay, balse waxa ay xustay in ku sareynta Sharciga iyo helida Caddaaladdu tahay mid muhiim ah si looga hortago fowdada iyo ku xadgudubka xuquuqda haweenka oo dhan.

Arrimaha doorashooyinka oo ay ka hadashay ayay  xustay in khilaafka siyaasadeed aan  loo oggolaan inuu halis geliyo guulaha laga gaaray dib u dhiska dalka.

Macluumaad aan heleyno ayaa sheegaya in wafdi ka socda QM oo ay hoggaamineyso Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee QM Amina Jane Momamed ay kulan la qaadan doonaan Midowga Musharraxiinta, kaddib kulamo ay la qaateen Ra’iisul wasaare Rooble iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Farmajo. Xubno ka tirsan Madaxtooyada ayaa tilmaamay in kulanka Amina Jane iyo Midowga Musharraxiinta uu Farmaajo u arko mid dhabar jab  xooggan ku ah, maadama ay garab istaaagayaan RW Rooble.