Home WARARKA Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran, Cabashada Shacabka+Sawirro

Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay Xiran, Cabashada Shacabka+Sawirro

5
0

Waxaa saakay xiran gabi ahaan wadooyinka Magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya, waxaa wadooyinka lagu so dhigay Ciidamo ka Tirsan  kuwa Dowladda Soomaliya oo loogu talagalay in ay xaqiijiyaan amniga.

Isku socodka gaadiidka dadweynaha iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ayaa la joojiyay kaliyaha dadka shacabka ayaa loo ogaaladay in ay isticmaalaan lugahooda,dad qaar ayaa arintaan cabasho ka muujiyay.

Sidoo kale waxaa la fasaxay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah waxaa sidoo kale saakay inta badan xiran goobihiii Ganacsi ee ugu waa weynaa Magaalada Muqdisho, inkastoo meelaha qaar ay furan yihiin.

Sababta loo hakiyay dhaqdhaqaaqa ayaa lagu sheegay Doorashada Madaxweynaha oo dhacaysa 8-da bishan February  oo ku beegan maalinta bari ah

Jawaab Dhaaf

Please enter your comment!
Please enter your name here