Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo Saakay La Xiray+Sababta

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa Saakay Xiray inta badan Wadooyinka Muhiimka ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho Ee Caasimadda Soomaaliya.

Ciidamo isugu jira Boolis,Nabad Sugid iyo weliba kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa la dhigay Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho,waxaana yar isku socodka Dadweynaha,iyadoo wadada Maka Al-mukarama oo ah wado ay si weyn u Isticmaalaan Dowladda iyo Shacabka aysan jirin wax Gaadiid ah oo maraya marka laga reebo Gaadiidka Dowladda.

Maanta oo Sabti ah ayaa Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu Qudbaddo ka dhageysan doonaa Musharaxiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya,waxaana Khamiistii la soo dhaafay Baarlamaanka Qudbado ka horjeediyay illaa 7 Musharaxa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay