Waddooyinka Nairobi oo Raggii Doobkii Buux Dhaafiyeen & Haweeneydii Nin Guursada Raadineysay oo…

Warbixin aan Saaka Daabacnay ayaa waxay ka hadleysay Haweeneey dalbatay inay hesho oo ay ubaahan tahay nin guursada taasi oo dadka la yaabeen.

Haweeneydaan ayaa lagu magacaabaa Pris Nyanbura oo 28 jir ah waxaana boor ay kusoo qortay inay raadineyso nin guursada ay kusoo dhex dawaaftay Suuqa Magaalada Nairobi.

RIIX HALKAAN SI AAD U ARAGTO WARBIXIN AAN SAACADO KA HOR DAABACNAY

Waxaa Waddooyinka qaar soo buux dhaafiyey Ragga Doobka ah oo isku soo mutaxay bal inay ka jawaabaan codsiga Nyanbura oo nin guursada raadineysa.

Website-ka Tuko.co.ke ayaa warbixin uu soo daabacay waxa uu sheegay inuu wareystay wiil ka mid ah dadka deegaanka oo 22 jir ah waxa uu sheegay in uu arkay Haweeneydaan oo gabar gacanta heysata nin raadinteedana kusoo qortay tabeele yar ay sare utaageysay.

RIIX HALKAAN SI AAD FAAH FAAHIN KALE U ARAGTO

Waxa uu sheegay qofka Webka uwaramay in ay haweeneydaan xirneyd Taajka Haweenka loo xiro xilliga ay Arooska yihiin,dad badana ay iskugu soo baxeen meesha ay joogta Nyanbura.

Waa dhif iyo Naadir in la arko Arintaan oo kale waxaana Warbaahinta Kenya si weyn uhadal hayaan dhacdadaasi,xilli Taleefoonkeeda uu mashquul aad ah uunoqday oo qofkii wacaba uusan udhaceynin,malaha dadka dalabkaasi inay ka jawaabaan doonaya baa wicid ku haya Telka Nyanbura.

Waxaa Tarjumay Warbixintaan: Xasan Xayi Cabdullaahi


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)