Wacdaro Kala Qabsatay Madaxweyne Farmaajo Iyo Jeneraal Gabre

Warar hoose oo aynu helnay waxay sheegayaan in arrin aad u cajiib ah ay kala qabsatay madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmajo iyo sidoo kale Jeneraalka Itoobiyaanka ah ee Gabre.

Jeneraal Gabre ayaa la sheegay inuu tagay Hoteelka uu deggan yahay madaxweyne Farmaajo, kulan aan si wanaagsan loo soo dhoweyn Gabre ayaa lala yeeshay.

Gabre ayaa damcay inuu waxyaabo badan u meeriyo Mudane Farmaajo, hase ahaatee waxaa loo sheegay kaliya inuu ku ekaado shaqooyinka IGAD u hayo ee aanu noqon nin Soomaaliyeed.

Gabre waxaa loo xaqiijiyey iney uga dhamaatey taladii uu Soomaaliya siinayey iyo qalinkii uu dalka u watey muddo badan. Gabre ayaa isaga oo madaxa hoos u riixaya ka tagey xafiiska Madaxweynaha umadda Soomaaliyeed Maxmed C/laahi Farmaajo.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)