Waa kuma Madaxweyaha Maamul Gobolleed Ee Loo xayiran yahay Doorashada?

Madaxweynaha Maamul Gobolleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa laga sugayaa inuu soo bedelo xubnaha cabashada laga keenay ee ku jiray Guddiga doorashada labada heer.

Tiro ahaan shan xubnood ayaa bedelkooda uu soo magacaabi doonaa kama dambeys illaa caawa fiidkii sida aan xogaha ku ogaanay.

Ilo ku dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dalka ayaa inoo sheegaya in Galmudug keliya loo xayiran yahay, si Ra’iisul Wasaaruhu wareegto ku soo magacaabo Guddiga doorashada heer dowlad goboleed iyo heer Federaal, si howshooda uga horeysa u bilaabato xareynta iyo siminaarada loo furi doono.

Xildhibaanada Aqalka sare ayaa bilowga doorashada la filayaa in la guda galo taas oo dad badan ay udheg taagayaan shakhsiyaadka hardanka ugu jira.

Kadib Aqalka Sare waxaa lasoo dooran doonaa Kuraasta Golaha shacabka oo aad isha loogu wada hayo murashaxiin badana ay utaagan yihiin xildhibaanimada.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan doorashada loo guda geli doono,taas beesha caalamka u ballan qaaday in doorasho xor iyo xalaal ah dalka uu gaarsiin doono.