Waa Kuma Askariga La Ciyaaraya Cristiano Ronaldo Ee Wacdaraha Ka Dhigaya Juventus?

Cristiano Ronaldo ayaa si sahlan u noqon kara Superhero sida Captain America marka la eego sida uu jirkiisa u dhisan yahay iyo awoodiisa. Waxayse dad badan ogeyn inuu kooxda Juventus la wadaago ciyaaryahan ku dhawaa inuu askari noqdo islamarkaana caruurnimadiisa oo dhan ciyaarayay kubada Mareykanka ee NFL.
Xiddigaan Juventus waxa uu muddo dheer ku noolaa xero militiri madaama uu aabihiis ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada cirka Mareykanka. Waa sheeko cajiib ah oo aysan dad badani ogeyn.

Weston Mckennie ayaa bilihii ugu danbeeyay magac sameystay isagoo ka mid ahaa xiddigihii shabaqa ka soo taabtay FC Barcelona kulankii Champions League. Xiddigaan ku jira xulka Mareykanka ayaa gool qurux badan dhaliyay oo ay dad badan la dhaceen. McKennie ayaa xilli ciyaareed fiican la qaadanaya Juventus laakiin dad aad u tiro yar ayaa ogsoon sida askari uu isagu bedelay inuu u dheelo Juventus.
Aabaha dhalay Weston McKennie waxa uu ka tirsanaa ciidamada cirka Mareykanka sidaasi darteed waxa uu ku noolaa xerooyin badan oo ciidan ah ilaa iyo ay ugu danbeyn saldhigteen xero militiri oo Mareykanka uu ku leeyahay Jarmalka halkaasoo uu ku soo koray xiddigaan.

Weston McKennie tababar ayuu halkaas ku qaatay isagoo sidoo kale joojiyay inuu ciyaaro kubada Mareykanka ee NFL islamarkaana u wareejistay ciyaarista kubada cagta oo Yurub caan ka ah.
Maanta Weston McKennie wuxuu ka mid ah xiddigaha da’da yar ee mustaqbalka leh ee ka soo baxaya Juventus, wuxuuna garoon la wadagaayaa Cristiano Ronaldo.
Kulankii ay Juventus la ciyaartay Barcelona, Weston McKennie ayaa soo bandhigay inuu sifaham weyn kala dhaxeeyo Ronaldo.
Haddii McKennie uu sii wado qaab ciyaareedkan waxaan shaki ku jirin inuu ka mid noqon doono xiddigaha khadka dhex ee ugu fiican Juventus.