Waa Kee Masuulka Maanta soo gaaraya Muqdisho ee loo xiray wadooyinka, Maxaase ka socda Madaxtooyadda Muqdisho?

Magaaladda Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa saaka ku waabariisatay jawi cusub iyadoo inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaaladda ay xiran yihiin.

Isku socodka gaadiidka ayaa la diiday halka madaxtooyada Soomaalia ay saxaafada ku wargelisay iney yimaadaan xarunta madaxtooyadda.

Hadaba, Wararka haatan kusoo dhacaya Warqabadka baahin.net ee Muqdisho ayaa sheegaya in dhamaan arimahaas loo sameeyay sidii loo soo dhaweyn lahaa gudoomiyaha guud ee midowga Afrika kaas oo soo gaaraya Muqdisho.

Gudoomiyaha midowga Afrika ahna wasiirka arimaha dibadda dalka Chat, Moussa Faki ayaa waxaa kusoo dhaweyn  doona garoonka diyaaradaha Muqdisho masuuliyiin katirsan DF Soomaaliya.

Marka uu soo gaaro Muqdisho ayuu booqan doonaa madaxtooyada Muqdisho oo uu kula kulmi doono madaxweynaha DF Soomaaliya halka sidoo kale uu soo kormeeri doono xarumaha qaar ee Amisom.

Booqashadan caalamiga ah ee gudoomiyaha midowga Afrika ku imaanayo Muqdisho waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Soomaalliya ay ku jirto xili abaareed.

Dhawaan waxaa Muqdisho soo gaaray xoghayaha arimaha dibadda Ingiriiska, xoghayaha guud ee QM, madaxda wadamada dariska ah sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti iyo wafuud kale oo caalami ah.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay