Villa Soomaaliya Oo Qaab Cajiib Ah Uga jawaabtay Tallaabadii Xaaf

Dawlada Soomaaliya ayaa ka jawaab celisey Saacado ka hor tallaabadii uu qaaday Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Xaaf.

Waxa uu magacaabay Xaaf Taliyaha Amniga Gobolka Mudug isagoo ka dhigay Duraan Cali Xaashi,isagoo u arkay Shakhsi Xilkaas buuxin kara.

Balse Dawlada Soomaaliya ayaa kaga jawaabtay Taliye Cusub oo ay Booliska umagacowday Gobolka Mudug.

Digreeto Kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Booliska Soomaaliya General Cabdi Xasan Xijaar ayaa Taliyaha Booliska Koonfurta Gaalkacyo ugu magacowday Gaashaanle Maxamed Axmed Shire.

Sidoo kale Taliye Xijaar ayaa Saldhigyada Booliska Matabaan iyo Guriceel iyagana taliyeyaal umagacaabay.