VIDEO: Wariye Cabdi Maalik Coldoon oo Fariin Dadka ka Ilmeysiisay kasoo diray Xabsiga Hargeysa & Dalabkii uu udiray…

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo tan iyo 15-kii bishii hore ku jira xabsi ku yaal magaaladda Hargeysa ayaa halkaas kasoo diray fariin murugo iyo xanuun leh.

Cabdi Maalik oo ah wariye lagu yaqaan caawinta dadka Soomaaliyeed ayaa loo xiray safarkiisii Muqdisho iyo damaashaadkii uu la qaatay shacabka SOOMAALIYEED kuwaas oo taageersanaa Madaxweyne Farmaajo.

RIIX HALKAN; AKHRI WARARKII UGU DAMBEEYAY EE DALKA 

Isagoo ku xiran xabsiga Hargeysa ayaana waxaa uu abaalmarinta shaqsiga sanadka ka helay hay;ad ka dhisan dibadda, laakiin wariyaha oo fariin murugo leh soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay sida uu uga niyadjabsan yahay in abaalmarintaas ay soo gaarto isagoo xabsi ku jira.

Waxaa uu sheegay inuu la murugeysan yahay hooyadiis oo ku sugan Hargeysa taas oo wal walka ugu xoogan qabta maadaama wiilkeeda xiran yahay, isagoo tilmaamay inuu hooyadiis uhibeeyay abaalmarintaas.

RIIX HALKAN: DAAWO ABAALMARINTA

Wariye Coldoon ayaa wali ku jira xabsiga, mana jirto isku day lagu deynayo xataa dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaanan wax isku day ah ku sameyn in la sii daayo wariyahan.

Saxaafadda ayaa dhibaato xoogan kala kulanta gudaha dalka oo isugu jira dilal, weeraro iyo xabsi oo ay usii dheertahay handadaad lagu diidan yahay shaqadooda.

KULAABO BOGGA KOOBAAD IYO WARAR CUSUB


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay