VIDEO: Musharaxiintii ugu badneyd uu hal musharax utanaasuli doona, Sh Shariif & Farmaajo oo…

Beri subax ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka bilaabaneysa doorashada madaxweynaha Soomaalliya, waxaana ilaa haatan xilkaas utaagan 22 musharax.

Hase ahaatee Warar Goordhow kusoo dhacay Warqabadka baahin.net ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in musharaxiintii ugu badnaa ay subaxa hore ee beri ay tanaasuli doonaan.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA SH SHARIIF  OO QIRTAY INUU GUULEYSAN DOONO

Ragga la filayo iney tanaasulaan waxaa kamid ah Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke kaas oo heshiis siyaasadeed la galay Sh Shariif Sh Axmed, waxaa kale oo kamid ah xubnaha ugu waa weyn ee ka hari doona tartanka C/Raxmaan Cabdi Shakuur oo isna ku garab ah Sh Shariif

Wararka ayaa intaas ku daraya in Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu isna heshiis kula jiro Sh Shariif isagoo uga tanaasuli doona musharaxnimadiisa inkastoo uu ka qeyb gali doono doorashada laakiin waxaa uu taageeradiisa wareejin doonaa hadii uu wareega koobaad ama kan labaad kasoo gudbi waayo.

Tarsan, Cali Ameeriko, Zakariye Xaaji iyo Cadow Cali Geesey ayaa kamid ah xubnaha la filayo iney kamid noqdan olalaha uu wado Sh Shariif.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)