VIDEO: Madaxweynaha P/Land Gaas oo Safar Lama filan ah ku yimid Muqdisho & Olole Xoogan oo…

Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa galabta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga Gaas oo uu kamid yahay gudoomiyaha barlamaanka maamulkaas ayaa waxaa uu sheegay in sababta uu utagayo Muqdisho ay tahay sidii uu garab uga geysan lahaa doorashada Soomaaliya.

Booqashada Cabdi Wali Gaas ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xili iyadoo 8-da bishan ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale la filayaa in madaxda kale ee maamul goboleedka dalka ay gaaraan magaalada Muqdisho si ay goob joog ugu noqdaan doorashada dhaceysa.


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)