VIDEO: Ilaalada Gaarka Ah Ee M/adaxweyne Kenyatta Oo Fadeexoobay Xilli Kenyatta Safar Ku Joogo S/Africa

Muuqaal lagu baahiyey Baraha Internet-ka ayaa muujinaya Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo safar hadda ku jooga Dalka Koonfur Africa ay taariikh qabsatay.

Soo dhaweyn Magaalada Pretoria loogu sameenayey Shalay Khamiistii ku gaaray Dalka South Africa ayaa la arkayey Madaxweynaha Kenya Uhuru oo Albaabka gaariga lagu waday markii laga furay uu ku dhacay sida muuqaalka laga arki karo.

Ilaalada Madaxweyne Kenyatta ayaa lagu Eedeeyey in shaqadooda sidii la rabay aysan uga soo bixin islamarkaana ay ku fadeexoobeen Albaabka Gaariga Madaxweynaha inuu ku dhaco iyagoo dhowr ah oo meesha ay taagan yihiin.

Inta badan Askarta Ilaalada Gaarka a Ee Madaxweyne Kasta ayaa udiyaarsan inay ka difaacaan wax walbo waana mid lagu soo carbiyey inta aysan shaqada bilaabin imtixaan badana lasoo marsiiyo.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii ugu danbeeyay