VIDEO: AlShabaab uu Gudaha ugalay Kenya & Dagaal xoogan oo ka dhacay Saldhig ciidan

Dagaalyahano Al-Shabaab ah ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ay ciidamada booliska ku leeyihiin magaalada Mandhera ee dalka Kenya

Ku dhawaad 20 dagaalyahan oo aad uhubeysan aya weerarkan ka geystay xarunta ciidan ee Kenya duhurnimadii maanta.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal xoogan uu dhexmaray ciidamada AlShabaab iyo ku dhawaad 21 askari oo Kenyan ah kuwaas oo ku sugnaa saldhigaas sida uu sheegay sargaal uhadlay Kenya

“Ma jiro cid inooga dhimatay dagaalkaas, laakiin shacab ayay rasaasta ugu tagtay gurigooda, arday ayaana ku wayxeeloobay,” sidaas waxaa sheegay sargaalka Kenya uhadlay.

Sidoo kale sargaalkan ayaa sheegay in AlShabaab ay bur buriyeen gaadiidkii ciidamada booliska, mootooyin iyo qalab loogu talagalay in lagu diiwaan geliyo dadka ka qeyb galaya doorashada soo aadan ee Kenya ka dhaceysa.

RIIX HALKAN: DAAWO MUUQAALKA


Shabakada Baahin.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail cabkayare@gmail.com

Fikradaha Akhristayaasha (0)